“Adduunku waxa uu gelayaa tobankii sano ee ugu halista badnaa”

369

Adduunka ayaa wajahaya ‘ sida xaal u egyahay tobankii sano ee ugu halista badnaa tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka’ sida uu ka digay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu jeediyay Khamiistii, taas oo uu ku doonayay in uu qiil ugu sameeyo duulaanka Ruushka ee Ukraine. Tallaabadaas oo dalkiisa ka dhigtay mid ku gala xaalad go’doon oo caalami ah.

Mr Putin ayaa sidoo kale ku eedeeyay reer galbeedka in ay isku deyeyaan in ay ku baqa maalaan hubka Nukliyeerka taas oo ay isku deyayaan si ay ugu qasbaan xulafada Ruushka in ay dhabarka u jeediyaan Moscow ayuu sheegay. .

Dhawaan ayay ahayd markii waddammada Reer Galbeedku ay dhalleeceeyeen, hanjabaadaha nukliyeer ee ruushku bixiniyey.

Horraantii todobaadkan isbahaysiga militariga Nato ayaa cambaareeyay sheegashada aan la hubin ee Ruushka ee ah in Ukraine ay isticmaali karto “bam sun ah” – kaas oo walxahiisa qarxa la soo raaciyey shucaaca halis ah oo saamayntiisu waarto.

Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xubnaha isbahaysigu “ay iska fogeeyeen eedaymahaas” xilli ay dhankooda ku doodeen “in Ruushku iskudeyayo abuuridda marmarsiinyo uu ku sii xumeeyo xaalka dagaalka”.

Madaxweyne Putin ayaa ka hadlayay fagaaraha sanadlaha ah ee Valdai ka dib guuldarrooyin isdaba joog ah oo millatari oo dhawaan kaga dhacay Ukraine, halka dhanka kalena cadhada ay shacabku ka qabaan doonistiisii ku aaddanayd qoridda askar cusub oo gaadhsiisan illaa 300 oo kun ay sii baahaysay.

Maalin ka hor khudbaddiisan Moscow, waxa uu si u muuqatay dhoollatus u soo kormeeray goobaha nukliyeerka. “Weligay si hor dhac ah ugamaanaan hadlin wax ku saabsan suurtagalnimada isticmaalka Ruushka ee hubka nukliyeerka. Waxaan kaliya kaga jawaabnay tilmaamo kooban faallooyinka ay ka dhawaajiyaan hoggaamiyeyaasha dalalka reer galbeedka,” ayuu u sheegay dhagaystayaashiisii.

Madaxweyne Putin waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay ra’iisal wasaarihii hore ee UK Liz Truss oo soo jeedisay intii lagu guda jiray ololihii Ogosto eek u doonaysay hoggaaminta UK in ay diyaar u tahay in ay riixdo badhanka nukliyeerka haddii duruuftu ku qasabto in ay sidaas samayso. Waxa uu sheegay in uu la yaabay in xulafada UK aysan ka dhiidhiyin hadalkaas : “Maxaa la rabay in aan sameyno?Ma inaan iska aamusno? Ama iska dhigno sidii kuwo aan maqal?” ayuu sheegay

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qudhiisu marar badan ka digay in Ruushku uu isticmaali doono “dhammaan hababka la heli karo” si uu isu ilaaliyo, taas oo loo arkayay khatar cad oo tilmaamaysa suurtagalnimada in Ruushka laf ahaantiisu isticmaali karo Nukliyeer.

Putin ayaa mar kale ku celiyey weerarradiisii ku aaddanaa waddamada reer Galbeedka, isaga oo markan sheegay in ‘ halis dhiig badan daadinaysa iyo laguma ciyaaraan’ ay tahay in dal kale la dafiro madax banaanida dhulkiisa iyo waxyaalha u gaarka ah.

Isga oo intaas sii raaciyey in ‘isballaadhintii gaarka ahayd’ ee Reer Galbeedku ku haystay karrimaha adduunka ay hadda ay sii dhammnaayso.

“Waxaan joognaa xudduud taariikhi ah, waxa soo socdaa si gaar ah tobanka sano ee soo aaddan waxay u badan tahay inuu yahay mid khatar badan, aan la saadaalin karin isla markaana muhiim ah marka loo eego tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka.”

Reer Galbeedku mar dambe ma awoodaan inay ina hagaan – laakiin waxay “si quus ah isku dayayeen” inay sidaas sameeyaan ayuu sida oo kale sheegay.

Waxaana uu sii raaciyey in “ in mustaqbalkii adduunka hortooda ku samaysmayo”, isaga oo ku eedeeyay reer galbeedka oo uu ugu horreeyo Maraykanku inay isku dayayaan inay burburiyaan Ruushka.

Xilli aan caddayn faahfaahsan raacinayan sheegashooyinkiisa.