Afduub kadhacay Garoowe iyo Boosaaso

1797

Puntland ayaa si adag uga hadashay afduub ay dabley hubaysani habeen kahor ka geysteen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, arrintaasi oo sababtay afduub kale oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugaal ahna ku-simaha guddoomiyaha Qaasim Maxamed Cabdi ayaa waraysi uu siiyey idaacadda Garoowe ku sheegay inaysan aqbali karin dhacdooyinka noocaani oo kale ah oo waxyeelo gaarsiinaysa ammaanka iyo horumarka magaalada.

Qaasim Maxamed Cabdi ayaa sheegay in arrintaan ay uga gaabsadeen odayaasha dhaqanka labada beelood ee afduubku dhemxaray ayna tallaabo ka qaadi doonaan raggii ka dambeeyey haddii aysan waxgaradku ku guulaysan inay arrintaan xal ka keenaan.

Ugu dambayntiina guddoomiyaha ayaa sheegay inay ogsoon yihiin halka lagu hayo wiil dhalinyaro ah oo Garoowe lagu afduubay isla markaana sharciga la tiigsan doonaan ciddii ka dambaysay isagoo uga digey bulshada gobolka arrimaha noocaan oo kale ah.