Afhayeenka Booliiska oo kahadlay xildhibaanada loohaysto dilka Boliska

77

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa ku tilmaamay dhaawaca loo geystay askari ka tirsanaa ilaalada xarunta Golaha Shacabka fal dambiyeed.

Askarigan ayaa la sheegay inuu isku dayay kala dhexgalka muran iyo gacan-ka-hadal dhexmaray xildhibaanada baarlamaanka, taasoo sababtay in mid ka mid ah xildhibaanada uu feer sanka kaga dhufto askariga.

Dhacdadan ayaa shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka xilli ay xildhibaanadu dood ka lahaayeen guddiga doorashooyinka qaran.

Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in kiiskaan loo diiwaan geliyay hal eedeysane oo ka tirsan baarlamaanka, halka uu sidoo kale xusay in askariga dhaawacmay xaaladdiisa caafimaad ay hadda wanaagsan tahay.

Booliiska Soomaaliya waxa waajib ka saaran yahay inay xasiloonida xarunta Baarlamaanka ku ilaaliyaan naf-hurnimo iyo adkeysi, inkastoo dhacdooyinkani yihiin kuwo naxdin leh oo ka baxsan waajibaadkooda maalinlaha ah,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Booliiska la faray inay dulqaad muujiyaan xilli ay wajahayaan culaysyo ka dhasha doodaha baarlamaanka. Isaga oo ku boorriyay ciidamada inay ka fogaadaan wax kaste oo lid ku waajibaadkooda qaran.

Askari dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka Madiina, halkaas oo uu shalay ku booqday Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay maanta isbitaalka ku booqdaan askariga si ay ugu muujiyaan cudurdaar iyo ka xumida falka dhacay.