Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Is Casilay

1344

Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Muumin Cilmi Iidow ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii Afhayeenimo ee uu haayay Maamulka Gobolkaas.

Cabdi Muumin oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku xaqiijiyay inuu xilka Afhayeenka Gobolka iska Casilay, isla markaana waxaa uu boggaadiyey Ciidanka la magac baxay Badbaabada Hiiraan ee la wareegay Xaruntii Maamulka Gobolka.

Sababta keentay is casilaadiisa Cabdi Muumin ayuu ku sheegay in siyaasiyiin ku sugan Magaalada Baladweyne ay ugu hanjabeen inay dilayaan Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khalif iyo Nabadon Cilmi Hagar Guure oo kamid ah Nabadoonada Hiiraan.

“Waxaan Bogaadinaya Shacabka Sharafta leh ee reer Hiiraan iyo Saraakiisha Badbaado Hiiraan. Waxaana Si toos ah iskaga Casilay Xilkii afhayenka Maamulka Gobolka Hiiraan. Kadib Markii Siyaasiinta ku sugan Beledweyne Qaar ku Hanjabeen in ay Dilayaan Ugaaskeena Ugaas Yusuf Ugaas Hassan Ugaas Khalif iyo Nabadon Cilmi Hagar Guure oo kamid ah Nabadoonada Gobolka Hiiraan” ayuu yiri Cabdi Muumin.

Is casilaalada Afhayeenkii Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo beegan tahay, iyada oo xalay Ciidamo la magac baxay Badbaadada Hiiraan ay la wareegen Xarunta uu ku shaqeynayay Maamulka Hiiraan, kuwaasi oo kasoo horjeeda safar la sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe ku tegayo Magaalada Baladweyne.