Agaasimayaal Katirsan Xukuumada Kheyre Oo Xabsiga Loo Taxaabay

1775

War lagu kalsoon yahay ayaa usheegay Wardoon.net in Xabsiga loo taxaabay Saraakiil katirsan Xukuumada Soomaaliya.

Xubnaha la xiray ayaa lagu hayaa Xarunta Dembi barista Soomaaliyeed Ee CID-da Muqdisho.

Ciidamada Amaanka ayaana Xiray waxaana ay yihiin Labo Howlwadeen oo mid Agaasime ka yahay Wasaarada Gar gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

Shakhsiyaadka la xiray ayaa la sheegay in ay wajahayaan Eedeymo Dacwad laga keenay inay wax isdaba marin sameeyeen.

Wararka ayaa sheegaya in Teendhooyin,Bustayaal,Dawooyin iyo Agab kale oo loogu talo galay Dadkii Fatahaadu saameysay ay iibsadeen.

Laamaha Amniga Soomaaliya waa ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan Mas’uuliyiintaan Xukuumada katirsan Ee Maanta la xiray.

Dawlada Soomaaliya dhowr mar ayey sheegta inay la dagaalameyso Musuq maasuqa oo ay ku sheegtay arin aan loo dul qaadan Karin.