Agaasime Bille Ismaaciil oo kudhintay qaraxii saakay

2014

Warar hordhac ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Qarax gaari oo ka dhacay Koontaroolka Sayidka oo laga ilaaliyo Amaanka Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay Xili Ciidamada amaanka ay wadeen baaritaanka gaadiidka raaxada ee isaga kala goosha Xarumaha dowladda ee halkaasi Isticmaala.

Inta la Xaqiijiyay Afar qof ayaa ku dhimatay Qaraxa oo uu ku jiro Agaasime Bille Ismaaciil, oo ka tirsanaa Wasaaradad Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Tirada dhaawaca ayaa lagu sheegay ilaa 15 ruux oo u badan dadkii saarnaa gaadiidka raaxada ee marayay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.