Agaasime Koofi oo Warbixin ka qoray Caronavirus

1775

Adduunka ayaa awoodiisa isugu geeyey ka hortaga dilaaga Karoonaha oo weerar gaadmo ah ku soo qaadey dunida, dal kasta wuxuu xoogga saarayaa sidii uu dadkiisa uga badbaadsan lahaa dhiigyacabka aan dunida hore u soo marin ee Karoonaha, dhaaqatiirta ayaa ku ruux baxeysa safafka hore ee dagaalka Karoonaha! Gurmadka ciidamada ayaa ku dhamaanaya dhabo-galka Karoonaha! dhulal cusub ayuu qabsanayaa cadowga Karoonuhu!

Madax iyo aqoonyahan ayaa goostey in ay nafta isdhaafiyaan ka gadaal markii ay u dulqaadan waayeen saameynta Karoonaha ee taagan iyo tan mustaqbalka! Dalwalba wuxuu ka fakaraya siduu u maareyn lahaa saameynta dhaqaale, amni iyo bulsho ee ka dhalaneysa Karoonaha!

Innaguna (Soomaalida) waxaan isu dileynaa qabiil, weliba waxaan isu dileynaa si ka baxsan diinteena, dhaqankeena iyo anshaxa dagaalka! Qaarbaa qarax ku gumaadaya dadkeenii, qaarbaa kufsanaya haweenka, qaarbaan ka xishooneyn amaanada loo dhiibey oo ku tagri falaya, qaarbaa diidan inaan qaran ahaano, qaarbaa dadkeena ku dhacaya ganacsi been abuur ah! Qaarbaa weli ka been sheegaya diinteena iyaga oo ka leh dano gaar ah!

Ummad muslim ah ayaa nahey, waxaana rumeysanahey qadarta laakiin diinteena ayaa na fareysa taxadarka iyo inaan la imaano sababaha lagu badbaadi karo. Dhaqamadeena iyo falalka socda ma noqon karaan sabab Allaah nagu caawiyo, waxay u muuqdaan qaar ay suurtagal tahey in ciqaab Alle oo Karoonaha ka weyn ay ka dhalan karto!

Runta marka la abaaro, caabuqaan Dunidii ka yaabsadey ilaa hadda lama hayo daawadiisa iyo cid sharaxaad dhab ah ka bixisa, wuxuuna saameyn ku yeelan doonaa dhinacyo badan guud ahaan caalamka gaar ahaan Soomaalida. Dilaagaan waxaa xaqiiq ah inuu reebi doono saameyn maskaxeed, bulsho, amni, iyo tan ugu weyn oo ah mida dhaqaalaha.

Socdaalkii ayaa joogsadey inta badan dunida, waxaa dhib noqonaya xawaaladaha oo qurbajoogtii dadkooda caawin jirey waxay wajahayaan culeys, dhaqankeena uma badna wax keydsi, ma jiro wax soo saar gudaha ah oo la sheegi karo. Waxyaabaha daruuriga ah sida cuntooyinka waxaa laga keenaa dalka dibaddiisa, iyada oo ay hadda soo baxayaan digniino in dalalkii laga soo adeegan jirey ay joojinayaan in la dhoofiyo waxyaabaha ay soo saaraan!

Hadaba, haddaan nahay Soomaali waxaa nala gudboon inaan Alle talo saarano kana fogaano waxyaabaha uu reebey, isla markaana ku dhaqaaqno qodobadan hoos ku xusan;

1) Inaan joojino colaadaha iyo dilka dadka aan wax galabsan;
2) Inaan u midowno danaheena guud ahaan gaar ahaan dagaalka Karoonaha, meelna iska dhigno kala duwanaashiyaha;
3) Inaan ka qeybqaadano isla markaana xoojino dadaalada lagu maareynayo Xaaladaha la xariira Caabuqa Karoonaha ee dowladda Soomaaliya ay hoggaamineyso iyo sidoo kale dowlad goboleedyada;
4) Inaan qaadano talooyinka madaxda qaranka iyo sidoo kale talooyinka caafimaadka ee looga hortagayo caabuqaan;
5) Inaan dhiiragelino oo xoojino wax soo saarka gudaha isla markaana nolosheena ku saleyno waxyaabaha dalkeena ka baxa;
6) Inaan tashiilano wixii hadda la heysto;
7) Inaan is caawino oo dadka danyarta ah laga warqabo.

Ugu danbeyn, dagaalka Karoonaha wuxuu qaadan doonaa waqti ka badan inta la qiyaasayo, saameyntiisuna waxay sii jiri doontaa mudo. Waa in aanan isdhiibin, waana in aanu waajahnaa xaqiiqda oo aan lagu mashquulin sheekooyinka khuraafaatka ah, waa inaan garanaa in xanuunkaani yahey dilaa dhab ah, xalka ugu fiicanna yahey ka hortagga.

W/Q korneel Maxamed Aadan Koof Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya