Agaasime Safiyo karaani Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

1223

Waxaa goordhaweyd Muqdisho lagu dilay Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Safiyo Abuukar Karaani, waxaana soo baxaya faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkeeda.

Dilka Haweenyada ayaa waxaa fuliyay koox bistoolado ku hubaysan,waxaana la sheegay in ay goobta ay isaga baxsadeen dableydii dilka fulisay,inkastoo goobta ay soo gaareen Ciidanka ammanka oo howlgallo sameeyay.

Dilka kadib Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida haweenayda.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , oo ay ugu horreeyaan Wasiirka , wasiiru Dawlaha , Wasiir ku-xigeenka , Agaasimaha Guud , agaasime waaxeedyada iyo dhammaan howlwadeennada waxay la murugoonayaan geerida Allaha u naxariisto, Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda , Safiyo Abuukar Karaani oo caawa Muqdisho ku geeriyootay.

AUN Maamo Safiyo, adeeggii qaranka ee marxadaha kala duwan ee waqtiga dheer ah ay ku soo shaqaysay iyo hoggaaminteeda waxay tusaale u ahaayeen Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenaynaa dhammaan Carruurta iyo qoyska. Waxaana Eebe uga baryeenaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo. Aaamin!