DAAWO:-Agaasimihii hore ee madaxtooyada oo xilka wareejiyay+SAWIRRO

597

 Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay ayaa xilalka kala wareegay Agaasimayaashii hore, kadib munaasabad ka dhacday Villa Somalia.

Agaasimihii hore Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo ku-xigeennadiisii Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdikariin Daddoon ayaa si rasmi ah u wareejiyey xilalkaas.

“Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in Agaasimaha cusub ay ku wareejiyeen deyn lagu leeyahay Madaxtooyada, Galal ay ku qoran yihiin hantida ma guurtada ah, howlwadeennada, iyo hannaanka shaqo ee Madaxtooyada qaranka, waxa uuna Madaxda cusub Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Dhankiisa, Agaasimaha cusub Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay qorsheyaashiisa ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Agaasimayaashii ka horeeyey ee Madaxtooyada.

Ugu danbeyntii Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in aan qofna lagu dulmi doonin shaqada, wuxuuna xusay in howlwadeennadu ay abaalmarinno ku muteysan doonaan dadaalkooda.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee dalka.