Agagaarka garoonka Muqdisho oo la mamnuucay in dabaqyo laga dhiso

61

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray awaamiir culus oo uu ku mamnuucayo in dabaqyo dhaadheer laga dhiso goobo cayiman oo magaalada caasimada ee Muqdisho.

Maamulka gobolka ayaa mamnuucay in dabaqyo ama dhismayaal dhaadheer laga dhiso agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan sida: Xamar weyne, Xamar-jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jaziira.

Sidoo kale waxa uu maamulka sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhda tahay 11-ka bisha 9 ee 2024 uu dhaqan-gal yahay amarkaan, islamarkaan aan laga dhisi karin dhismo dheer gudaha garoonka Aadan Cade iyo Xalane hareerahooda.

Waxaa la mamnuucay oo kale in dabaqyo dheer laga dhisi karin bar-kontrolada laga soo galo garoonka Aadan Cade, guri aan ka dheereyn saddex dabaq,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta.

Waxa uu intaas kusii daray “Laga billaabo maanta in aan laga dhisi karin xeendaabka garoonka Aadan Cade iyo Xerada Xalane guri aan dhismahiisu ka dheereen hal dabaq.”

Maamulka gobalka Banaadir ayaa ku goodiyay in ciddii ku xad-gudubta ama u hoggaansami weyda awaamiirtan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Awaamiirtan cusub ee uu maanta soo rogay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in loo gaaray sababo la xiriirta amniga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kadib cabasho ka timid diyaaradaha caalamiga ee yimaada garoonka.