Ahlu suna oo lagu amray inay kaguuraan xarunta Inji

1972

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in xarunta INJ ay ka baxaan Hoggaanka Ahlu suna oo halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay degnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay amar Ku bixisay in hoggaanka Ahlusunna ay baneeyaan xarunta Inji oo ah xarun dowladeed.

Hoggaanka Ahlu suna ayaa durba diidmo ka keenay amarka lagu soo rogay, waxaa ayna sheegeen in aysan ka bixi doonin xarunta Inji.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xalay ilaa maanta hoggaanka Ahlusuna ay kulamo ka wadeen Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo ka shiray amarka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Xogta ayaa intaasi Ku daraysa in ciidamo aad u fara badan Oo ka Amar Qaata Ahlusunna ay Soo Buux Dhaafiyeen xarunta Inji oo ay Ku sugan yihiin hoggaanka Ahlusuna.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorsho Ku aadan sidii xarunta Inji looga saari lahaa Ahlusuna, maadaama inji la filayo inay Ku shaqeeyaan Baarlamaanka maamulka Galmudug.