Ahlu-Suna oo loo diray digniin culus +COD

1738

Maamaulka Degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay Ahlu suna kaga digeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo waayahaanba ay ciidamadooda ka wadeyn qeybo kamid ah degmadaasi.

Waxa ay sheegeen in horaan ay Dowladda dhexe ee Soomaaliya ay u gudbiyeen cabasho ay ka cabanayaan ciidamada Ahlu Suna ee dhufeysyada ciidan ka dhisanaya degmada Xeraale, hase ahaate markaan ay si fool ka fool ah isaga celin doonaan Ahlu Suna.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixin xog badan xambaarsan oo uu warkaan inooga diyaariyay Wariyaha Risaala Cali Xasan Cali.