Ahlu-Sunna oo soo rogaal celisay

2186

Hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna Waljamaaca ee dhawaan isku dhiibay Ciidanka dowladda federaalka ayaa ka hadlay dagaalkii Magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwii Ahlu-Sunna.

War-Saxaafadeed uu soo saarey Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in intii ay ku sugnaayeen Xero Inji ee magaalada Dhuusamareeb la saarey cunaqabateyn, isla markaana la dul-dhigey “ciidamo dadka u diidaya in la galo xarunta lagana soo baxo.”

Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shaakir ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka lagu soo qaaday Ahlu Sunna ay fuliyeen ciidamo ay ku sheegeen inay ahaayeen kuwii loogu talagalay inay dagaal la galaan Al-Shabaab, ayna tababareen dalalka Mareykanka iyo Turkiga.

Waxaa kaloo qoraalka Ahlu Sunna lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo “inay joojiso xasuuqa ay ku heyso” shacabka deegaanada Galmudug iyo Belad-Xaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Jubaland.

“Cid kasta oo ku fikareyso in Ahlu Sunna Waljamaaca laga tirtiri karo Gobolada Dhexe ama Soomaaliya waxa ay u hunguubi doonaan Insha Allaah sida Al-Shabaab uga guusteen inay maamulaan Gobolada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Ahlu-Sunna

Ugu dambeyntii Ahlu Sunna ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in aysan indhaha ka fiirsan caburin ay tilmaameen in lagu hayo shacabka deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhammaan hadda ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, waxaana maalmahaan u socdo shir ay uga tashanayaan aayahooda iyo sidii loo soo celin lahaa awooddii Ururka Ahlu Sunna.

Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxafaadeedka kasoo baxay Sheekh Shaakir