Ahlusunna oo jidka ugashay ciidamada dowlada

808

Ugu yaraan lix Askari oo kamid ah Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku geeryooday, tiro kalena waa ay ku dhaawacmatay, weerar dhabo-gal ah oo xoogaga Ahlusunna ay ka geysteen agagaarka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Weerarka ayaa yimid kaddib markii ay jidka u galeen Ciidanka Ahlusunna, labo gaari oo ay wateen Ciidanka Dowladda, xilli ay marayeen agagaarka deegaanka Balli-Bire oo dhanka waqooyi ka xiga Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Weerarka ayaa sababay burbur ku yimid gaari ay wateen Ciidanka DFS ee la weeraray, kaas oo noociisu ahaa “Cabdi Bille), kaas oo qorigii saarnaa ay ka furteen Xoogaga Ahlusunna.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DFS iyo Galmudug kaas oo ku aadan weerarka lagu qaaday Ciidanka Dowladda. Ahlusunna ayaa fariisin Ciidanka ku leh deegaanka Bohol ee gobalka Galgaduud, tan iyo markii laga saaray magaalada Guriceel oo sanadkii hore mar ay qabsadeen.