Ahmed Madoobe oo Kismaayo ka bilaabay olale uu ku soo jiidanaayo .Mucaatadka

1675

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wada hadalo la bilaabay qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka soo horjeeday dib u doorashadiisa, isagoo xalay aqalka Madaxtooyada ku qaabilay labo ka mid ah Musharaxiinta is bedel doonka ahaa.

Axmed Madoobe ayaa la kulmay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul iyo C/qaadir C/raxmaan Khaliif oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka aragtida duwanaa xilligii doorashada.

Mr Madoobe ayaa labadan xubnood ka dhageystay aragtidooda la xiriirta sidii horay loogu sii socon lahaa, loona xoojin lahaa Midnimada iyo nabadgelyada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa balan qaaday inuu albaabada u furayo dhamaan dadka ka ra’yi duwan maamulkiisa, si meesha looga saaro kala aragti duwanaanta, loona gaaro dib u heshiisiin