Ajnabi katirsanaa Al Shabaab oo la qabtay +Sawirro

41

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu yahay ajnabi katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Ninkan ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka qabteen ayaa la sheegay in uu doonayay inuu doon ka raaco xeebaha deegaanka Mareeg ee gobolka Galgaduud, uuna aado deegaanno kale aan la shaacin.

Ciidanka huwanta ah ayaa qabashada ninkan waxaa u sahlay xog ay ka heleen dadka deegaanka Mareeg, waxa ayna ciidamada ninkan maxbuuska ah geeyeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ninkaan la qabtay uu u dhashay dalka Yemen, wuxuuna ka mid ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha Al Shabaab ee ku sugnaa qeybo kamid ah deegaannada Galmudug.