Akheiso:- sida DF & Maamuladu u qeybsanayaan khayraadka dalka

130

Dowladii uu Hogaaminayey Madaxweyne Maxamed Abdullahi Farmaajo iyo Hogaamiyayashii Dowlad Gobaleedyada ayaa Baydhabo 2018-kii ku wada saxiixday Heshiis loogu magac daray heshiiska lahaanshaha iyo maamulka wadaaga dhakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Qodobada heshiiskaasi waxaa ka mid ahaa mid quseeya macdanta iyo Shidaalka dalka iyo qaabka loo qaybsanaayo deegaanada Soomaaliyeed waxana heshiiskaas qodobadiisa ka mid ah sidatan:

Shidaalka laga soo saaro badda ayaa loo kala qaybsan doonaa sidan:

1-Dowlada federalka waxaa helaysaa dhakhli 55%

2-Maamul Goboledka laga soo saaro dhakhli ah 25%

3-Degmada uu hoos yimado ceelka waxey heleys10%

4-Maamulada kale iyo Gobalka banaadirna 10%.

Sidoo kale Shidaalka laga soo saaro berriga ama dhulka waxaa loo qaybsan doonaa:

1-Dowlada federalka ay hesho 30%

2-Maamul Goboledka laga soo saro waxu helaya 30%

3-Degmada uu hoos yimado celka waxey heleysa20%

4-Maamulada kale iyo Gobalka banaadirna 20%.

Khubarada dhanka maaliyada iyo harumarinta ayaa ka digaya in heshiiskaas uu horseedayo in maamul gobaleedyada ay kala dheereeyan oo maamul gobaleedkii shidaal leh uu ka hormaro kii aanan shidaalka lahayn. sidaa daraadeedna ay ku talinayaan in lagu laabto heshiiskaasi oo dheelitir lagu sameeyo.