Akhriso 10-ka Wadan ee ugu badan Caronavirus

1661

Caabuqa Caronavirus ayaa si xowli ah ugu sii faafaya daafaha dunida, waxaana maalinbo maalinta ka dambeysa sii kordhaya dadka uu ku dhacayo cudurkan iyo waliba kuwa u dhimanaya.

Waxaa la xaqiijiyay guud ahaan dunida in Caronavirus uu ku dhacay dad ku dhaw 1.5Milyan oo qof, waxaa sidoo kale la sheegay in cudurkan daafaha dunida ugu dhinteen dad gaaraya 88,500 .

Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka laga helay kiisaska ugu badan ee Caronavirus, waxaana dalkaasi laga helay 432,132 kiis oo Caronavirus, waxaana dalka labaad isna noqday dalka Spian oo laga helay 148,220 kiis.

Qaarada Yurub ayaa noqotay wadamada ugu badan uu cudurkan ku faafay sidoo kale dadkooda ugu geeriyoodeen, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan tiradad dadka uu ku dhacayo cudurkan iyo kuwa u geeriyoonaya.

Dalka Shiinaha uu kasoo bilowday cudurka Caronavirus ayaa dadaal badan kadib ku guuleestay in ay xakameeyaan , waxaana dalkan laga soo tabinayaa kiisas aad u yar oo cudurkan ku aadan halka wadamada kale ee caalamka uu kusii faafayo.

Halkan ka Akhriso 10-ka dal ee laga helay kiisaska ugu badan ee Caronavirus

Mareykan 432,132 kiis

Spain 148,220 kiis

Talyaaniga 139,422 kiis

Jarmalka 113,296 kiis

Faransiiska 83,080 kiis

Shiinaha 82, 867 kiis

Iiran 64,586 kiis

UK 61,474 kiis

Turkiga 38,226 kiis

Belgium 23,403 kiis