Akhriso 25-ka Kooxood Ee Sida Buuxda Ugu Soo Baxay Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe

1697

 

Waxa si Rasmi ah u soo afjarmay horyaalada kala duwan ee yurub iyada oo haatan la ogaaday kala badh kooxaha ka qayb gali doona tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

25 kooxood ayaa haatanba u soo baxay tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe hadii ay Arsenal ku guulaysato Europa League waxa ay noqon doontaa kooxda 26-aad ee iska xaadirisa tartanka.

Pot-ka 1-aad ayay ku jiraan 6 kooxood oo ku guulaystay horyaaladooda kala duwan kuwaas oo kala ah Barcelona, Manchester City, Juventus, Bayern Munich, Paris Saint-Germain & Zenit.

Waxa ku biiri doona Liverpool ama Tottenham kooxda ku guulaysata tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyo Chelsea ama Arsenal kooxda ku guulaysata Europa League.

Pot-2-aad ayay ku jiraan kooxaha kala Real Madrid, Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Napoli & Shakhtar Donetsk kuwaas oo booska ku galay qiimayntooda UEFA.

Pot 3-aad ayay ku jiraan kooxaha Benfica, Bayer Leverkusen, Red Bull Salzburg, Valencia, Inter.

Halka ay Pot 4 ku jiraan kooxaha Lokomotiv Moscow, Racing Genk, Galatasaray, RB Leipzig, Atalanta, Lille.

Kooxaha ka hadhay tartanka ayay ugu horaysaa kooxda Ac Milan oo markii 6-aad oo xiriir ah ka hadhay champions League iyo kooxdii xilli ciyaareedkii hore gaadhay Semi-finalka ee Roma halka ay sidoo kale si lama filaan ah uga hadheen tartanka kooxaha Manchester United, Schalke 04, Marseille & Arsenal hadii ayna ku guulaysan Europa League.

Waxa banaan 7 boos oo tartanka ah waxana lagu buuxin doonaa is reeb-reebka oo ay ciyaari doonaan kooxo badan oo ka ciyaara horyaalada kala duwan ee Yurub si ay u buuxsamaan 32 kooxood ee ka qayb gali doona tartanka xilli ciyaareedka dambe.