AKHRISO 4-ta Koox Ee Ugu Sareeya Premier League

1815

Kooxaha ku dhamaystay 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League ayaa ka fiican dhamaan kooxaha ugu waaweyn yurub sida ay sheegayso xog la helay.

Guud ahaan kooxaha premier Legaue ayaa helay dhibcaha ugu badan, dhaliyay goolasha ugu badan laga dhaliyay goolasha ugu yar marka loo bar-bar dhigo dhigooda 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

Mahan kaliya intaas kooxaha isugu yimid Finalka tartamada yurub ayaa kor u qaaday magaca England iyaga oo markii ugu horaysay England ka caawiyay in ay 4 kooxood ku lahayd finalada yurub.

Sida laga soo xigtay AmericanGambler.com, kooxaha premier League ugu sareeya ayaa badiyay isku dar 68.4% kulamadii ay champions League ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Wadanka ku xiga ayaa ah Germany iyo Bundesliga kaas oo guul gaadhay 61.8% kulamadii ay ciyaareen xilli ciyaareedkan halka La Liga guul gaadheen 55.3% kuwaas oo ah kuwa ugu yar.

Waxa ku xiga horyaalada Ligue 1 ee France iyo Serie A-da Italy kuwaas oo cel-celis ahaan gaadhay 60.8% guul kulamadii ay ciyaareen tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Dhanka dhibcaha Kooxaha premier League ayaa helay 2.22% dhibcood kulan kasta iyaga oo si weyn uga horeeya horyaalada 4-ta ah ee ugu waaweyn yurub.