AKHRISO: 5 Qodob oo ay ku heshiiyeen C/rashiid Janan iyo Farmaajo

1419

Wasiirkii amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashii Xasan Cabdinuur Janan ayaa si rasmi ah heshiis ula saxiixday dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Goor dhow la faafiyay, Janan ayaa sheegay qodobada heshiiska Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu la gaaray dowladda Feederaalka Soomaaliya.

Janan ayaa sheegay in dowladda Federaalka uu heshiiska galay isaga oo ah Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland, ayna la socdaan Ciidamo gaaraya ilaa iyo 400 oo Askari iyo 36 gaari oo nooca dagaalka ah.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka la socda ay la wareegeyso dowladda Federaalka, waxaana heshiiska Janan iyo dowladda ay wada gaareen uu ahaa qodobadan:

1- In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah wasiirka amniga ee Jubaland

2- In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.

3-In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Soomaaliya

4- In heshiiska uu qeyb ka yahay Kornel Abaas iyo saraakiil kale oo gobolka Gedo joogay

5- In uusan siyaasadda ka bixi doonin.