Akhriso 5ta kursi ee beri lagu dooranayo Gaalkacyo

1099

Guddiga doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyey Musharaxiinta isku soo taagay shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee taalla magaalada Gaalkacyo

Musharixiintan oo tiradoodu gaareyso 13 ayaa isku diiwaangeliyey kuraasta kala ah HOP013, HOP101, HOP001, HOP017 iyo HOP060 ee Golaha Shacabka oo doorashadoodu beri ka dhaceyso Gaalkacyo.

Mid ka mid ah kuraastan oo ay ku fadhiday Xildhibaanad Ubax tahliil ayaa waxaa ku tartamaya iyada iyo haween kale oo afar ah, waana kursi doorashadiisa la furay oo loolan adag loo gali doono.