(Akhriso) Ahlu Sunna oo diiday Sharuudo ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug

2025

War saxaafadeed kasoo baxay hogaanka Ahlu Sunna ayaa looga hor yimid Sharuudaha laga doonayo Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub Galmudug oo ay soo saareen Guddiga Dooarshada iyo Maamul u sameynta Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa sheegtay in ay u madax banaan yihiin 20-ka Xildhibaan ee laga siiyay Baarlamaanka Galmudug ayna soo dhameestireen, waxa ayna Ahlu Sunna sheegtay in aysan quseyn shuruudaha ay guddiga doorashooyinka soo saareen.

Waxa ay sheegtay kooxda Ahlu Sunna in heshiiska ay la gashay dowlada federaalka ayna goob joog ka aheyd Beesha Caalamka ku cadahay in iyagu u madax banaan yihiin Xildhibaanada 20-ka ah ee laga siiyay Baarlamaanka Galmudug.

Halkan ka AKhriso Qoraalka Ahlu Sunna soo saareen