Akhriso Axmed Madoobe oo amar culus dul dhigay musharaxiinta Jubaland

78

Wasaaradda amniga ee Dowladd Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay awaamiir culus oo taabanaysa sugidda amniga Doorashada ka dhacaysa Jubbaland iyo midada degaanada Maamulkaasi.

Wasaaradda ayaa bayaanka ay soo saartay waxa ay ciidanka Daraawiishta iyo kuwa xogga Dalka ee fadhigoodu yahay gudaha deegaanada Jubbaland ku amartay in ay heegaan buuxa galaan si loo adkeeyo amniga Doorashada.

Sidoo kale waxaa la faray ciidanka in aysan ku milmin Arrimaha Siyaasadda loona baahanyahy in ay ku ekaadaan kaliya xeryahooda iyo shaqada amni ee loo wakiishay.

Sidoo kale waxaa ay jubbaland mamnuucday dhaq dhaqaaqyada askarta hubaysan ee aan ku jirin shaqada amni ee deegaanada maamulka Jubbaland.

Daneeyayaasha siyaasadda iyo murashaxiinta u taagaan xilka madaxtinimo ee Jubbaland lagu amray in ay la yimaadaan ciidan sharci ah si taa loo helana ay la xiriiraan taliska booliska ee Jubbaland sida uu warbaahinta ugu sharaxay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee Jubbaland Aadan Axmed Xaaji.

Waxa uu ka digay wasiirka in la abuuro ciidan hab beel u abaabulan si qalqal loo galiyo amaanka iyo xasiloonida degaanada Jubalanad.

Awaamirta ay soo saartay Jubbaland ayaa ku soo aadaysa xili Jubbaland ay qabsanayso doorasho ay dibad joog ka tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.