Akhriso Cabdi Xaashi oo gudbiyey xubnihii guddiga doorashada

1059

Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta u gudbiyey xubnihii laga sugayay ee guddiyada doorashooyinka.

Sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisal wasaaraha, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa magacaabay lix xubnood, kuwaasi oo uu si rasmi ah ugu gudbiyey ra’iisal wasaaraha, si qeyb uga noqdaan guddiga doorashooyinka.

Xubnaha guddiyada doorashooyinka kuraasta Somaliland ee uu soo magacaabay guddoomiyaha aqalka sarre ayaa imanaya kadib heshiiskii si siman loogu kala qeybiyay xubnaha guddiga isaga iyo Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso xubnaha uu magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ee uu u gudbiyey Rooble.

1. Cabdishakuur Daa’uud Maxamed – FEIT
2. Maxamed Ciise Heybe. Xallinta Khilaafaadka
3. Suleymaan Caydiid Cismaan – SEIT
4. Cabdishakuur Abiib Xayi – SEIT
5. Maxamed Cali Cabdillaahi – SEIT
6. Jaamac Cumar Cali – SEIT