Akhriso Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo Dacwad lagu soo oogay

1560

Waxaa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed loo gudbiyey laba qoraalo kala duwan kuwaasoo ku saabsan qadiyadda askarta uu maamulka Farmaajo sida qarsoodiga ah tababarka ugu diray Eritrea.

Warqadda koowaad waxaa diray guddi ka kooban 10 xubnood oo la sheegay in ay iska soo dhex-xuleen waalidiinta askartaas oo da’doodu u dhaxeysay 18-jir illaa 25-sano jir ah – taasoo ka dhigan in ay badankoodu yihiin da’yar.

Dhanka kalena, qoraalka labaad waxaa gudbiyey ku-xigeenka labaad ee afhayeenka Aqalka Sare, Senator Abshir Axmed Bukhaari, kaasoo tibaaxay in waalidiinta ay u soo gudbiyeen warqadda isla markaana uu isagu ku hagaajiyey dacwad-oogaha guud ee dalka.