(Akhriso) Gudoomiyihii degmada Buula burte oo xilka laga qaaday

1179

Wasaaradda arrimaha gudaha ee HirShabelle ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo wax looga qabanayo xiisada xoogan ee haatan ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan taas oo ka dhalatay, kadib markii shaqo joojin lagu sameeyey guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Mudane Feysal Haajir Aadan.

Warqad uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa maamul cusub loogu magacaabay Buulo-Barte, waxaana gudddoomiye u ah Axmed Mahad Nuur, kaas oo bedelaya guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyey.

Magacaabistan ayaa lagu sheegay inay keentay baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha maamulka ee degmada, si looga gudbo caqabadaha haatan ka jira halkaasi.

Sidoo kale hay’adaha amniga iyo shacabka ayaa waxaa la faray inay si dhow u la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub, Mudane Axmed Mahad Nuur.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xiisad horleh ay ka dhalatay shaqo joojintii uu Yuusuf Dabageed ku sameeyey guddoomiyihii Buulo-Burte Feysal Haajir Aadan oo si weyn uga horyimid go’aankaasi, waxaana ka dhashay xiisad illaa iyo hadda laga dareemayo gudaha degmadaasi, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xaaladda degmada ayaa kacsan waxaana dadka deegaanka ay wajahayaan marxlad cusub iyo khilaaf dhinaca maamulka ah oo markale soo cusboonaaday.