Gudiga farsamo ee dhimaystirka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa goordhaw soo saaray habraaca iyo shuruudaha loo marayo soo
xulista xubnaha Golaha Wakiilada ee Dowlad- goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee 2025–2030.
Qoraal kasoo baxay guddiga farsamada ayey ku sheegeen in golaha cusub ee Wakiillada dowlad goboleedka Waqooyi Bari soo xulayaan cuqaasha, garaadada iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha ku bahoobay maamulkan cusub.