(Akhriso) Hanti dhawrka Qaranka oo soo bandhigay lacago la lunsaday xiligii Khayre

1832

Hanti dhawraha guud ee qaranka mudane Maxamed Cali Afgooye ayaa soo saaray warbixin la sheegay iney tahay baarista maaliyadeed iyo u hoggaansanka sharciga, taasoo waafaqsan Dastuurka dalka, si loo ilaaliyo hufnaanta maamul maaliyadeed ee dawladda.

Warbixinada waxaa lagu soo bandhigay kharashaadka howl maalmeedka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee la isticmaalay sanadkii 2019 kuwasoo aan laheyn caddeymo, iyadoo xiligaas uu xafiiska fadhiyey RW Khayre oo haatan ka mid ah mucaaradka madaxda DF.

Hanti dhawraha guud ayaa sheegay baarista lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan $163,806.49 oo aan laheyn caddeymo ku filan, taasoo lid ku ah sharciga.

 

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili dhowaan ay soo baxeen warar sheegayey in Madaxweyne Farmaajo uu ku cadaadinayo hanti-dhowraha Qaranka inuu sameeyo warbixino tilmaamaya lacago la lunsaday xiligii uu Khayre xilka RW hayey, si ay bar madow ugu noqoto musharaxnimadii oo walaac badan ku heysa Villa Somalia.