AKHRISO-Heshiis hordhac ah oo la gaarey

1461

Waxaa Maanta heshiis hordhac ah laga gaaray dagaaladii u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulamo dhexmaray Odayaasha iyo Waxgaradka beelihii dagaalamayay ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis hordhac ah looga gaaray Colaadii khasaaraha isugu jiray dhimasho iyo dhaawac geysatay ee ka dhacday Hiiraan.

Laba Beel ayaa ku heshiiyay in la kala qaado maleeshiyaadka labada dhinac ee is hor-fadhiyay, isla markaana deegaankii sida gaarka ah la isugu haayay aan cid dhisan karin ilaa iyo heshiiska laga dhameystirayo.

Sidoo kale heshiiska ayaa waxaa ku jira in qofkii hubeysan ee lagu arko deegaanadii lagu dagaalamay oo aan ka tirsaneyn Ciidanka dowladda lasoo qaban doono, isla markaana la xiri doono 6 bil oo xabsi ah.