Akhriso:-Jadwalka Doorashada & Shuruudaha Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo La Shaaciyay

1825

Guddiga Doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa Goordhow Magaalada Garoowe kaga dhawaaqay Shuruudaha musharixiinta Madaxweynaha doorashada dhawaan ka dhaceysa Magaaladaasi.

Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Musharaxii u tartamaya Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland laga rabo lacag dhan 20,000 doolar,isla markaana Musharaxii u tartmaya Madaxweyne kuxigeenka Puntland laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 10,000 oo doolar.

Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa sheegay in hadal jeedinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso maalinta isniinta oo ay taariikhdu tahay ah 7-da bishan,iyadoona ku egtay isla maalintaasi.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ay dhaceyso 8-da bishaan oo ku beegan Maalinta Talaadada ah.