Akhriso Jubbland Oo yeelaneysa Labo Barlamaan. Ka Dib markii….

2370

Guddiga doorashooyinka ay magacaabeen Golaha la baxay Badbaadada Jubbaland ee ka soo horjeeda Maamulka Axmed Madoobe ayaa saakay soo saaray Liiskooda Xildhibaanada Jubbaland, kaasoo jawaab u ah Liiskii uu xalay soo saaray Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Liiskan ay soo saareen ee Xildhibaanada ah ayaa gaaraya 75 Xildhibaan, waxaana ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan, taasoo ka duwan liiskii xalay soo baxay oo kaliya ku qornaa magaca Xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha liiska cusub ee ay soo saareen Guddiga doorashada ee la baxay Golaha Badbaadada Jubbaland ayaa waxaa ka dhex muuqda xubno dibada joog ah oo aan ku sugneyn Kismaayo iyo qaar muddo Axmed Madoobe ka mucaaradayay baraha bulshada.

Tallaabadan ayaa ka dhigan mid xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Jubbaland meel aad u xasaasi ah ku sii siqeysa, isla markaana tallaabooyinka labada dhinac ay kala qaadayaan ay sii horseedeyso inuu ka dhasho Labo Baarlamaan, Guddoonkooda iyo Labo Madaxweyne.

Halkan hoose ka akhriso:-