AKHRISO Kooxaha U Soo Baxay Wareega 16-aad ee Champions League

2510

Waxa si Rasmi ah u soo dhamaaday wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo ay 16 kooxood iska xaadiriyeen wareega xiga siina wadi doonaan ciyaarista tartanka.

Lama filaanka ugu weyn ee ka dhacay Wareega Group-yada ayaa ah ka hadhistii kooxda Inter Milan kuwaas oo guuldaro kala kulmay kooxda Barcelona.

Sidoo kale waxa lama filaan noqotay in ay kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ku soo bixi waayaan kaalinta 1-aad ee Group-kooda iyaga oo booskaas u waayay kooxaha PSG iyo Valencia oo aan wali ku guulaysan tartanka.

Kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid, Juventus, Man City, Atalanta Iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood guulo ku soo xidhay wareega Group-yada tartanka champions League.

Kooxda Atalanta ayaa si lama filaan ah ugu soo baxday tartanka inkasta oo laga badiyay dhamaan 3-dii kulan ee ugu horeeyay waliba badisay kaliya 2 kulan 6-dii kulan ee ay ciyaartay mid kalena bar-baro gashay.

Waxa haatan tartanka isugu soo hadhay 16 kooxood kuwaas oo Isniinta sugi doona Kooxaha ay wareega xiga la ciyaari doonaan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 16-Ka kooxood ee u soo baxay wareega xiga iyo waliba kaalmaha ay Group-yadooda ka galeen.