Akhriso: Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la Magacaabay

17

Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen oo ahaa wasiir si weyn ugu dhow Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa haatan noqonaya ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen oo todoba sanno kadib ku baxay sidii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay ayaa intii uusan u bixin dalka Kenya u magacaabay Wasiir Axmed inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha.

“Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30 March, 2026 waxaa uu Madaxweynaha DKGS u magacaabay M.ne Ahmed Mohammed Hussein ahna Wasiirka Maaliyadda in uu noqdo Ku-sima Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed,” ayuu Lafta-gareen ku yiri wareegto Madaxweyne oo uu soo saaray ka hor inta uusan ka dhoofan Baydhabo, balse goordhow la baahiyay.

Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Wasiir Axmed uu xilkaan sii haynayo illaa iyo xal kama dambeys ah laga helayo.

Lafta-gareen ayaa go’aankan u qaatay si uusan u dhicin firaaq dastuuri ah. “Markuu tixgeliyay xaaladda cakiran iyo qalalaasaha ka jiro deegaanka guud ahaan, iyo hubanti la’aanta ka jirta Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu saaray xeerkan madaxweyne ee ku saabsan ku-sime Madaxweyne.”

Cabdicasiis Lafta-gareen oo wajahay cadaadis militari iyo mid siyaasadeed xooggan oo kaga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii go’aansaday inuu baneeyo xilka maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, Lafta-gareen ayaa maanta lagaga adkaaday magaalada Baydhabo, taas oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee uu ka arriminayay. Horey, ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa ula wareegay inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee maamulka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay markii hore dooneysay in Lafta-gareen la keeno Muqdisho, balse ugu dambeyn waxaa la isku raacay inuu u duulo Nairobi, isla markaana ay guda gasho maamul u sameynta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ay gaaraan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA