Akhriso Kuraasta Baarlamaanka meelaha loo kala raray

2077

Iyadoo maalin ka hor uu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay asteynta kuraasta Baarlamaanka oo murano badan ka jiray ayaa waxaa isa soo taraya kuraas dhowr ah oo laga wareejiyay deegaan doorashadooda hore, loona wareejiyay meelo kale.

Illaa afartameeyo kuraas ayaa is bedelo lagu sameeyay, xildhibaan kasta ee ku fadhiya kursiga wuxuu awood u yeeshay inuu geysto meesha uu aaminsan yahay inuu ku soo bixi karo.

Waxaa ka mid ah 7 kursi oo laga soo wareejiyay Gobolka Hiiraan oo loo rartay Shabeellaha dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar.

Mid ka mid ah kuraasta laga soo wareejiyay Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku fadhiya Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo nambar tirsigiisu yahay HOP#274, kursigan la wareejiyay ayaa waxaa ka hor-yimid odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee beesha Jidle oo ku tilmaamay mid aan xaq aheyn kursi deegaanada ay dagaan in laga wareejiyo oo meel aysan beeshu degin loo wareejiyo.

Kursiga Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad oo nambar tirsigiisu yahay HOP#104 ayaa ah kan ugu rarista badan, sanadkii 2016 waxaa lagu doortay Muqdisho, waxaa lagu waday in lagu doorto Cadaado, balse waxaa u soo rartay arrimo amni darteed Muqdisho, kursigan waxay deegaan doorashadiisa tahay deegaanka Towfiiq oo ka tirsan Gobolka Mudug, waxaa haatan la geeyay Gobolka Galgaduud oo lagu soo dooranayo.

Sidoo kale Kursiga nambarkiisu yahay HOP#124 oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere ayaa muran weyn ka dhashay wareejintiisa Gobolka Gedo, waxaana si weyn uga soo horjeestay arrintaas dhalinyarada Beesha reer Aw Qudub, waxaa kursigan markii hore lagu doortay Kismaayo.

Xildhibaan walba ee ku fadhiya kursigaas ayaa loo madax banaaneeyay inuu go’aan ka gaaro kursiga, isla markaana u rartay meesha uu rabo.