AKHRISO Liiska Xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

44

Liiska xildhibaanada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhex si rasmi ah loo shaaciyay, kaddib muran ka taagnaa kalsoonida lagu qabo guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaaanada ee ay DFS soo magacowday.

Tirada xildhibaanada lagu dhawaaqay xalay ayaa gaaraya 83 xildhibaan, wuxuuna maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya noqonayaa mid kamid ah maamulada yeeshay xildhibaanada badan ee Baarlamaanka.

Hannaanka loo qeybsaday baarlamaanka cusub ayaa ah labo gobol iyo degmada Buuhoodle. Gobolka Sool 30 xildhibaan ayuu helay baarlamaanka cusub, Gobolka Sanaag wuxuu helay 37 xildhibaan, halka degmada Buuhoodle oo katirsan Togdheer ay heshay 16 xildhibaan.

Liiska lasoo xulay ayaa u badan dad dhalinyaro ah oo siyaasadda ku cusub. Waxaa kaloo ku jira weriyayaal baraha bulshada caanka ah.

Xildhibaanada cusub ayaa isla maanta lagu wadaa in la dhaariyo, iyagoo kaddibna iska dhex dooran doona guddoomiye kumeel gaar ah oo shaqada sii wada inta lagasoo dooranayo guddoon rasmi ah.

Weli ma jirto cid katirsan musharaxiinta madaxweynaha oo ka hadlay ku dhawaaqista liiska baarlamaanka. Horey siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka horyimid guddiga qaabilsanaa hubinta iyo ansixinta xildhibaanada.

Hanaanka Beeluhu u qaybsadeen Xildhibaanada Woqooyi-Bari.
Wadarta-guud waa 83 Xildhibaan.
1- Beesha Dhulbahante waxay heshay 43 Xildhibaan.
2- Beesha Warsangali waxay heshay 32 Xildhibaan.
3- Beesha Fiqi Shini waxay heshay 3 Xildhibaan.
4- Beesha Madhibaan waxay heshay 1 Xildhibaan.
5- Beesha Kaskiqabe waxay heshay 1 Xildhibaan.
6- Beesha Tiinle waxay heshay 1 Xildhibaan.
7- Beesha Siwaaqroon waxay heshay 1 Xildhibaan.
8- Beesha Geri Koombe waxay heshay 1 Xildhibaan.