AKHRISO-Magacyada dadka caanka ka ahaa Soomaaliya ee ku geeriyooday Itoobiya

1535

Dadka caanka ahaa Soomaaliyeed ee ku geeriyooday jigjiga & Addis ababa iyo Dhacdooyinka kala dhaxeeyey Itoobiya.

1- AUN Weriye Qaran Ahmed Hassan Cawke oo ku dhintay Jigjiga 17 Nofembar 2015 (Wariyihii Tabinayay dagaaladii 1977-dii oo Itoobiya mar isku deyday in ay Afduubato)

2- Abwaan Qaran Mohamud Abdulahi Sangub oo ku dhintay Addis ababa 18 Juunyo 2019 (Mudo dheer taageersanaa Halganka Xornimo u dirirka Soomaali Galbeed oo qeybaha Suugaanta aad uga hadli jiray)

3- Fanaan Qaran Daa’uud Ali Masxaf oo ku dhintay Jigjiga, January 24, 2020 (Fanaan Wacyigalinta bulshada 1977dii qeyb weyn ka ahaa)

4-Raisulwasaare Qaran Ali Khalif Galeyr oo ku dhintay Jigjiga maanta 08 October 2020 (Si adag loo xasuusto dagaalkii diblumaasiyadeed ee dhexmaray Isaga & Itoobiya, markii lasoo dhisay Xukuumaddii Carta 2000).

Inkasta oo geeridu timi, haddana marnaba ma dhicin in baaris la mariyo Kiisaska dhimashada sababay, qaarkood deg deg ayaa lagu aasay.