Akhriso Magacyada iyo Qabiilada: 11-ka Senator ee Puntland

2256

Waxaa maanta magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland lagu qabtay doorashada xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Maamulkaasi oo gaaraya ilaa 11-Senator oo kamid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Senatarada la doortay ayaa ahaa xubno aad ugu dhaw Madaxweynaha Puntland Siciid Deni kuwaa oo u badnaa wasiiro katirsanaa maamulkiisa iyo xubno kale oo la shaqeeya, waxaa sidoo kale ku jira xubnaha la doortay labo Senator oo horey Aqalka Sare uga tirsanaa.

Inta badan Senatarorada la doortay ayaa waxaa u tanaasulay musharaxiintii la tartameysay kuwaa oo horey iyagu u diiwaan galiyeen , waxaana doorashada ka dhacday magaalada Garawe aheyd mid aan micno badan laheyn oo natiijadeeda horey loo sii ogaa.

Halkan ka Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Senatarada maanta la doortay

1- Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab (Cumar Maxamuud reer Mahad)
2- Cabdiraxman Maxamed Faroole (Ciise Maxamuud Muuse Ciise)
3- Cabdisamed Yusuf Abwaan (Cali Saleebaan )
4- Sareedo Maxamed Xasan (Jufada reer Maxamuud )
5- Daahir Ayaanle Saciid (Cismaan Maxamuud Muuse Suldaan)
6- Samira Maxamud Xaaji Cawad (Dhulbahante Barkad )
7- Cabdullahi Cali Xirsi Timacade (Dhulbahante Jaamac Siyaad )
8- Seynab Ismacil Maxamed (Warsangali Cumar Bihi-Door )
9- Maxamed Cabdi Cismaan Majiino (Beesha Dashiishe)
10- Farxaan Cali Xuseen (Leelkase Fiqi Ismaaciil )
11- Cabdiqani Geelle Maxamed (Awrtable reer Axmed).