Akhriso Magacyada Macalin dugsi quraan iyo dad Shacab Ah Oo Lagu Laayay Galgaduud

1948

Deegaanka Xirsi lugeey oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu dilay dad shacab ah, waxaana weerarkaasi ka dambeeyay Malleyshiyaad hubeysan, kuwaasi oo la sheegay in ay weerar ku qaadeen dadka shacabka ah ee lagu weeraray degaan kaasi.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa la dilay labo kalena waa la dhaawacay, waxaana dadka dhaawacmay la geeyay Cusbitaal ku yaalla Magaalada Guriceel ee Gobolkaasi Galgaduud, waxaana Shanta ruux ee la dilay Magacyadooda lagu sheegay,

1-Gaarane Awil samatar

2-Abdi Xersi Carab kaahiye

3-Abdi yare Mohamed Ow faarax iyo

4-Cadaawe Xersi lugeey.

Dhanka kale Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii marxuumintii maanta ku dhintay weerarkii arxan darada ahaa ee ka dhacay Deeganka Xirsi lugey.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Ciidamada amniga Galmudug amar ku siiyay in si dag dag ah aay howl galo u fuliyaan una soo qabtaan maleeshiyaadkii Dilalka Geystay.

Falkaasi lagu laayay dadka shacabka ah ayaa la xariira aanooyin qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah Gobolkaasi ka dhacay dilal loo gaystay dad shacab ah, iyadoo Magaalooyinka Caabudwaaq, Balanballe iyo degaanno hoostaga Magaalada Guriceel ay horay uga dhacaeen dilal kala duwan oo dhamaantood salka ku hayay aanooyin Qabiil.