Akhriso Magacyada mas’uuliyiintii ku dhintay doontii ku degtay Beledweyne-SAWIRRO

1995

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dooni saaka mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle kula degtay magaalada Beledweyne oo uu fatahaad ka geystay wabiga Shabelle ee mara halkaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta HirShabelle, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dhacdadaasi ay ku dhinteen illaa todobo qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo dad shacab ah.

Sidoo kale agaasime Kulmiye ayaa shaaciyey magacyada mas’uuliyiinta ku dhintay shilkaasi, kuwaas oo kala ah, Dahabo Xasan Axmed oo aheyd la-taliyaha dhinac haweenka ee Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, Sharmaarke oo isagana ka tirsanaa xafiiska dowladda Hoose ee Beledweyne, Deeqo oo aheyd gabar u dhaq dhaqaaqeysay arrimaha bulshada.

Doonta qalibmatay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 20 ruux oo ay ka mid ahaayeen Duqa Magaalada Beledweyne ,Safiyo Xasan Sheekh Cali iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, walow la soo badbaadiyey labadaasi mas’uul.

Xaaladda ka jirta Beledweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana saameyn daran ku yeeshay fatahaad uu wabiga Shabelle ka geystay gudaha magaaladaasi.

Fataahadan ayaa sidoo kale saameysay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo gabi ahaan xirmay, taas oo uga sii dartay dhibaatada ka jirta halkaasi.

Dhowaan dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle ayaa guddiyo ka tirsan labada dhinac u magacaabay gurmadka fataahadah ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.