Ciidanka Kumaandoska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay iney howgal qorsheysan ku burburiyeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen degaano hoostaga Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan.
Saraakiisha ciidanka Danab ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo qabteen saraakiil uu ka mid yahay Madaxii Maaliyadda Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali, Madaxa Maktabka Waxbarashada Dumarka ee Degaanka Ceelcadde Cali Cabdulle Jilacow, iyo Madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa Sakawaadka Gobolada Shabellada Hoose iyo Dhexe Cabdullahi Isxaaq Xuseen.
Taliyaha Ururka 4-aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan ayaa sheegay in Ciidamada Danab ay howlgal ku burburiyeen xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellooyinka.
Saraakiisha ciidanka Danab warbaahinta uma soo bandhigin illaa hadda raggan ay sheegayaan iney nolosha ku qabteen.