(Akhriso Magacyada) Somaliland oo toogatay lix nin

1531

Maamulka Somaliland ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fuliyay lix nin oo horey maxkamado ugu rideen xukuno dil ah, waxaana ragan la toogtay lagu helay in horey u geesteen dilal .

Fagaare ku yaalla duleedka Xabsiga deegaanka Mandheera ayaa saakay lagu toogtay lixdan nin ee xukunka dilka ah horey loogu riday, waxaana goobta xukunka dilka ah lagu fulinayay ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland.

Ragan Xukunka dilka ah lagu riday ayaa mudo ku xirnaa xabsiga Mandheera, waxaana ragan la toogtay codsaday in loo qisaaso ehelada dadkii ay horey u dileen kadib markii ay diideen in ay ka qaataan mag ama diyo.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qalinka ku duugay in la toogto ragan saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxaana wali xabsiyada maamulka Somaliland ku xiran rag kale oo iyana ku xukuman xukuno dil ah.

Halkan ka akhriso magacyada raga xukunka dilka ah lagu fuliyay

1- Yaasiin Maxamed Yuusuf

2-Sharmaarke Sahal Oogle

3-Quulle Maxamed Cilmi

4-Khaalid Cabdi Xaydar

5-khadar Maxamed Warsame

6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.