Akhriso magacyada Wasiirada Beesha Dhulbahante ee u magacaabay Madaxwaynaha Puntland

1937

Iyadoo Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu magacaabay Wasiirada Cusub ee Puntland, ayaa waxaa Bilaabatay Falanqayn ku saabsan.

Siciid Deni ayaa Markiiba lagu dhaliilay Inuu Beesha uu kasoo jeedo ee Haysata madaxwyanaha uu siiyey Wasiirada, Arimaha Gudaha, Maaliyadda, iyo Amniga.

Sido kale waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Xilalka iyo Sawirada Wasiirada Beesha Dhulbahante ee kasoo dhex muuqday Xukuumadda cusub ee Puntland.

1- Wasiirka Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xassan oo kasoo jeeda Gobolka Sool. / Kalabaydh.

2- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) oo kasoo jeeda Gobolka Sool / Boocame.

3- Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Cali Xassan Axmed (Sabarey) oo kasoo jeeda Gobolka Sool, Kana mid ahaa Hogaankii Sare ee Jabhadii SSC. Gobolka Sool / Gambadhe.

4- Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Waraabka Ismaaciil Diiriye Gamaadiid oo kasoo jeeda / Buuhoodle.

5- Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse / Buuhoodle.