Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Galmudug

1437

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gudbiyay Xubnaha Galmudg ku matalaya Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Xubnaha uu Madaxweyne Qoor Qoor gudbiyay oo Afar ah ayaa waxa ay ka mid noqonayaan xubnaha guddiga doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee la filayo in dhowaan ay howlgalaan.

Afartan xubnood ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin;

1- Garaad Yuusuf Maxamuud-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
2-Mustaf Macalin Cali Salaad-Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
3-Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf-Xubin Gudigga Doorashooyinka.
4-Liibaan Axmed Xassan-Xubin Gudigga Doorashooyinka.

Waxaa la filayaa in dhowaan Ra’iisul Wasaare Rooble uu wareegto kusoo saaro Xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay Xubnaha matalaya Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug, waxaana kaliya harsan Maamulka Hir-Shabeelle oo doorashooyin u diyaar garoobaya.