DAAWO:- Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo heshiiyay

821

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa ka heshiiyay khilaafkii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ay kala hogaaminayeen.

Qoraal wadajir ah ay soo saareen labada garab ayey ku sheegeen in ay ka heshiiyeen khilaafkii labada garab u dhaxeeyay sidoo kale xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.

Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Raisul Wasaare kuxigeenka dalka in lasoo afjaro is kooxeesigii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi si deg deg ah loo guda galo Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.