AKHRISO: Midowga Musharixiinta oo soo dhaweeyay xil ka qaadista Cirro

880

Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa ugu baaqay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka iyo Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka, inay si deg-deg ah u doortaan hoggaan cusub.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa lagu booriyay labada Guddi inay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, ayna ka shaqeeyaan siddii ay doorasho hufan uga qabsoomi laheyd dalka.

Sidoo kale, Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inuu muhiim yahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo madlan yahay, 27 bishan December, ayna rajeynayaan inay kasoo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada, laguna dardargelinayo.

Ugu dambeyn, Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in xalka dalku uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan, oo keenaysa natiijo la wada aqbali karo.