Akhriso Mucaaradka Farmaajo oo diiday doorashada 2020/2021

2121

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saaray doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2020 iyo bilowga 2021.

War qoraal ah oo ka soo baxay 12 kamid ah musharixiinta u taagan xilka ayaa waxa ay ku qaadaceen inay ka qeyb galaan doorasho ay ugu yeereen inay tahay boob iyo ku shubasho oo ay maamulayaan Guddi ay ku tilmaameen shaqaale Dowladeed iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan NISA.

“ Waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka” ayuu lagu yiri Qoraalka.

Xubanaha ugu cadcad ee qoraalkaan soo saaray waxaa kamid ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO