Akhriso:-Natiijada doorashadii uu ku soo baxay Mahdi Guuleed oo la hakiyey

856

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga sumadiisu tahay HOP-239 oo shalay loo doortay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay inuu qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiyay, waxaana la faray Guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay.