AKHRISO: Ra’iisul Wasaare Rooble oo u jawaabay Farmaajo

923

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in qoraalkii xalay kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo iyo ciidammada saaka la dul-dhigay xafiiskiisa ay yihiin kuwo baalmarsan dastuurka sharciyadda dalka, wixii ka dhashana uu masuuliyadooda qaadi doono.

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble, sidii caadiga aheyd u wato shaqadiisa, uusana cidna uga heybaysaneyn gudashada waajibaadkiisa shaqo, iyo dalka uu gaarsiiyo doorasho.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha  iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.”