Akhriso Rooble oo digniin culus siisay taliyaasha ciidamada +VIDEO

1088

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, xilli xalay uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Rooble uu guddi u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada qaranka oo dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.